Description
ANIGU WAXA AAN AHAY MUSLIM
turjumaad kale 51
Topics
ANIGU WAXA AAN AHAY MUSLIM
WAXA QORAY DR: MUXAMMED IBRAAHIIM AL-XAMAD
ANIGU WAXA AAN AHAY MUSLIM (MID HOGAANSAMAY), Taasi macnaheedu waa in diintaydu ay tahay Islaam.Islaamku waa odhaah wayn oo nadiif ah Nabiyadii ay iska dhaxleen nabad galyo korkooda ha ahaatee, laga soo bilaabo midkii ugu horeeyay ilaa iyo kii ugu dambeeyay,Odhaahdan waxa ay xambaarsan tahay macnayaal sareeya iyo qiyam wayn,waxa ay xambaarsan tahay: isdhiibid, hogaansani iyo ka amar qaadashaddda Allaha na abuuray,Macnaha kale ee weedha As-salaam u xambaarsan tahay dadka dhamaan, wadar iyo waaxidba ayaa ah: nabad, amaansiin, liibaan iyo deganaan.
Sidaa darteed ayay noqotay odhaahda Nabada iyo Hogaansanaantu, kuwa ugu badan ee kusoo arooray shareecadda islaamka dhaxdeeda,As-salaam waa magac kamid ah magacyadda illaahay,Waana salaanta ay muslimiintu dhaxdoodu isku salaamaan,waana salaanta AHLU JANNAHA,Muslimku -dhab ahaan- waa ruuxa ay ka nabad galaan muslimiintu carabkiisa iyo gacantiisaba,Islaamku waa diin khayr u leh dadka dhamaantood, oo deeqa dhamaan, waana jidka liibaantooda aduun iyo aakhirabba.Sidaa darteed ayuu islaamku imaaday isaga oo soo xiray diimihii isaga ka horeeyay kulminaya balaaran oo cad una furan ruux waliba, isaga oo aan kala soocaynin dadka xaga dhalashada iyo xaga midabkaba, iskabadaa taase hal il ayuu dadka oo dhan ku fiirinayaa,ruux dadka ka duwana ma jiro islaamnimadda dhexdeeda, mida lagu kala horeeyaana waaa hadba sida loo qaato diinta.
sidaa darteed ayay ku raali noqonaysaa naf waliba oo toosan, sababtoo ah kama hor imanayo Fitradda (abuurka) wanaagsan iyo caqliga toosan.Ruux waliba waxa la dhalaa isaga oo ay abuur u tahay Fitradda wanaagsani, cadaaladd, xornimo, jecelna rabbigiisa, qirrayana in uu yahay midka kaligii lacaabudo, ee muttaystay cibaaddo cid kale ay la waddaagin,kamana leexdo ruuxaasi Fitradda wanaagsan, in wax ka leexiya lasoo darso mooyaane,Diintaan waxaa dadka uga raalli noqday Ilaahii abuuray ee rabbigooda iyo midka ay caabudaan ahaa.
Diinkayga islaamku waxa uu ibarayaa in aan aduunka ku noolahay maanta, barina aan u baqooli doono guriga aakhiro, oo ah meesha ay ku nugaan doonaan aadamuhu dhamaantood, waana Jano ama Naar.
Diintayda islaamku amaro ayay i faraysaa waxna waa iga reebaysaa,Hadii aan waxyaabaha la i faray la'imaado kana fogaado waxyaabaha layga reebay aduun iyo aakhiraba waan ku liibaanayaa,Hadii aan xad gudbo ama aan ka gaabiyo, waa halaag aduun iyo aakhiraba inta aan xadgubay iyo inta aan ka gaabiyayba,
Waxa ugu wayn oo uu islaamku i faray waa Tawxiidka, oo ah inaan Alle kali ah aan caabudo,Anigu waxa aan qirayaa qalbigana ka rumaynayaa rumayn go'an in alle uu yahay midka i abuuray iyo midka aan caabudayo,Mana caabudayo cid aan ilaahay ahayn, waxaanna u caabuddayaa Alle jacayl aan jeclahay, iyo cabsi aan ka cabsannayo caddaabtiisa, ama rajayn aan rajaynnayo abbaal marintiisa, iyo talo saarrasho aan tallo saarannayo darteed uun,Tawxiidkaasi waxa uu ku joogaa: Alle oo loo qiro kalinimo, iyo Nabigiisa Muxammed ahna lala soo diray Risaaladda.Muxamed waa midkii Nabiyada lagu gunaanadday, Alle ayaa soo diray isagoo naxariis u ah Uunka oo dhan, laguna soo gunaanadday nabinimadda, mana jiro nabi ka dambeeya,waxa uu la yimiday Muxammed diin ku socota guud ahaan ummaddaha, oo u suubanta goor iyo goob waliba iyo umad kasta,
Diinkaygu waxa uu i farayaa si go'an in aan malaa'igta rumeeyo, iyo dhamaan Rususha Allaah soo diray oo dhan, uuna ugu horeeyo Nuux, Ibraahim, Muuse, Ciise iyo Muxamed, amaan iyo nabad galyo korkooda ha ahaato dhamaantoode,
waxa kale uu i farayaa in aan rumeeyo dhamaan kutubta uu Alle rususha kusoo dajiyay, oo midka u dambeeya ee lagu soo gunaanaddayna aan raaco, oo ah midka ugu wayn, waa Qura'aanka kariimka ahi,
Diinkaygu waxa uu i farayaa in aan maalinta aakhiro ee dambeeysa rumeeyo, maalintaas oo dadka lagu abaal marin doono wixii ay faleen,waxa kale oo uu i farayaa diinkaygu: in aan rumeeyo Qaddarka, raallina ku noqdo waxa isoo gaadha nolosha aduunyo dhaxdeeda oo khayr iyo shar ah, iyo in aan ku dadaalo qaaddashada waxyaabaha lagu badbaado,
Rumaynta Qaddarka Alle waxa uu i siinayaa deganaan, xasilooni, adkaysi iyo in aan ka qoomamoon wixii taggay,sababtoo ah waxa aan si dhab ah u ogahay in waxa igu dhacay uusan i gefayn, waxa i gefayana uusan igu dhecayn,wax waliba waa la qaddaray oo laga qoray xaga Alle, mida aniga i saaranina waa inaan qaato sababta, iyo in aan raalli ku noqdo waxii isoo gaadha, mar hadaan qaatay sababihii la iga rabay inaan sameeyo,
Islaamku waxa uu ifarayaa ficiladda wanaagasan ee ruuxdayda nadiifnaysa, iyo akhlaaqda wayn ee rabbigeey raalli galisa, qalbigaygana farxad galisa, laabtaydana wanaajisa, wadadaydana ifisa, igana yeesha ruux anfaca bulshada.
Camalladaas waxaa ugu wayn: Tawxiidka ilaahay, salaadaha shanta ah oo la oogo habeen iyo maalin, gudashada Sakadda maalka, in la soomo bisha Ramadaan, iyo in loo xajiyo kacbada xurmada leh, ee Makka ku taalla, ruuxii awooda xajkaas,
Waxyaabaha diinkaygu itusay kuwa ugu waa wayn waxa kamid ah in waxa laabta waasiciya ay ka mid tahay quraan akhriska badan kaasoo ah hadalka ilaahay, uguna run sheega badan, uguna quruxsan uguna wayn, ugu baaxadda wayn oo kulminaya kuwii hore iyo kuwii dambe cilmigooda,Qur'aanka akhrintiisa ama dhegaysigiisa waxa ay galinaysaa qalbiga xasilooni deganaan iyo liibaan, haba ahaado qofka akhrinaya ama dhagaysanaya mid aanan af carabiga aqaanine.
Waxa ugu wayn oo laabta dajiya waxa kamid ah baryada Alle oo labadiyo, iyo isagoo la magan galo, lana waydiisto waxyar iyo wax waynba,Alle wuu aqbalaa ruuxii barya oo cibaadadana u kali yeela.
Camalada kale ee laabta farxad galiya waxa ka mid ah xuska alle -koreeye- oo labadiyo.
Nabigaygu waxa uu igu hanuuniyay habka iyo qaabka ugu wanaagsan ee Alle loo xuso, iyo waxa ugu wanaagsan ee lagu xuso,waxa ka mid ah oraahyadda afarta ah, ee hadal ahaana ugu fadliga badan, Qur'aanka ka dib: (Subxaanallaah, Alxamdulillaah, laa'ilaaha illa laah, Allaahu Akbar) oo macnaheedu yahay: Alle ayaa ceeb oo dhan ka hufan mahad oo dhan iskaleh, alle xaq lagu caabudo majiro oo aan alle ahayn, waana Allaha waxkasta kawayn.
waxa kale oo kamid ah dikrigaas: (Astaqfirrullaah, Walaaxawla walaa Quwata Ilaa billaah) oo macnahooddu yahay: Alle ayaan dambi dhaaf waydiisanayaa, mana lihin xeelad iyo awood toona, Alle tiisa mooyee.
Erayaddaas kooban waxa ay ku leeyihiin saamayn layaab leh, qalbiyada farxadoodda, iyo in xasilooni ku soo degto laabta.
Islaamku waxa uu ifarayaa in aan ahaado mid sharafkiisu sareeyo kana fog wax waliba oo hoos u dajinaya banii aadanimadayda iyo karaamadayda,una adeegsado caqligayga iyo xubnehayga wixii loo abuuray ee camal wanaagsan ah xaga diintayda iyo aduunyadayda ah.
islaamku waxa uu i farayaa naxariista, dabeecad wanaaga, dhaqanka wanaagsan, iyo in aan usamo falo inta uu alle abuuray wixii aan awoodo odhaah ahaan iyo addin ahaanba.
Xuquuqda ugu wayn ee la faray dhanka aadamaha: waa mida ay igu leeyihiin waalidiinta, xaqooda diinkaygu waxa uu ifarayaa in aan baarri u ahaado, khayrka aan lajeclaado, kuna dadaalo sidii ay u liibaani lahaayeen aduun iyo aakhiraba, iyo in aan wixii dheef ah iyaga u hrmariyo gaar ahaan marka ay waynaadaan,Sidaa darteed waxa aad arkaysaa hooyo iyo aabbe bulshooyinka muslimka ah dhaxdooda in ay joogaan darajo sare oo waynayn iyo maamuusid ah, iyo u adeegida dhanka caruurtooda ah,mar waliba oo labada waalid ay waynaadaan xaga da'da, ama ay xanuusadaan, ama taagdarro qabato waxa kor dhaya baarinimada ay u qabaan caruurtu labdooda.
Diintayda ayaa i bartay in ay haweenku leeyihiin maamuus sare iyo xuquuq wayn,dumarku islaamka dhaxdiisa waa raga oo kale waxyaabo qaar oo ay ku kala duwanyihiin maahane, dadka midka ugu fiicanina waa kan reerkiisa ugu fiican,gabadha muslimada ahi yaraanteeda waxa ay leedahay xaqa nuugmada, ilaalinta iyo barbaarin, iyo in si fiican loo tarbiyeeyo, iyaduna waqtigaas waa il qabowsi, waana midhaha qalbiga waalidiinteeda iyo walaaleheeda.
Hadii ay waynaatana waa mid la sharfay oo la maamuusay taasoo uu ka maseerayo waligeedu oo ku haraynaya ilaalintiisa,Raalli kama noqonayo in ay soo gaarto gacan xun, carab dhibi iyo il khiyaano intaba.
Hadii ay guursatana waxa ay ku guursatay odhaahda allaah iyo ballankiisa adag,waxa ayna ahaanaysaa guriga ninkeeda daris midka ugu sharaf badan,oo ay waajib ku tahay ninkeeda in uu maamuuso, una sama falo, dhibkana in uu ka caliyo.
Hadii ay hooyo noqotana sama falkeedu waxa uu noqonayaa mid la xiriira xaqa alle caasinimadeeduna mid la xiriirta alle oo wax lala wadaajiyo, iyo dhulka oo la fasahaadiyo.
Hadii ay walaal tahayna waa tii muslimka lafaray in uu xiriiriyo, uuna maamuuso, una masayro ilaalinteeda,Hadii ay habaryar tahayna waxa ay noqonaysaa booskii hooyada xaga sama falka iyo xiriirinteeda.
Hadii ay ayeeyo tahayna ama mid waayeel ah xaga da,da qiimaha ay leedahay waa uu kordhayaa caruurteeda aktooda ah, iyo kuwa ay ayeeyo utahay, iyo qaraabadeeda oo dhan, ma sigayaan markaas in ay codsi ka diidaan, ama taladeeda xumeeyaan.
Hadii ay tahay mid ka fog dadka oo qaraabo aysan lahayna ama daris waxa ay leedahay xaqii islaanimada ee guud oo ahaa dhibka laga caliyo, indhaha laga laabto iyo wixii lamid ah.
Wali mayna ka zuulin bulshooyinka muslimka ahi in ay ilaaliso xuquuqdaas si dhab ah, kaasoo ka dhigay haweenayda mid siinaya qiimo iyo fiiro gaar ah oo aan laga halayn bulshooyinka aan muslimka ahayn.
intaa kadib gabadhu waxa ay leedahay islaamka dhaxdiisa in ay wax milkin karto, kiraysan karto, gadi karto, soona gadan karto, iyo inta kasoo hartay hishiisyada, waxa kale oo ay leedahay in ay wax barato waxna ay barto, iyo shaqo, wixii aan diinteeda ka hor imaanayn,iskaba daa taase cilmiga waxa ka mid ah wax qof kasta laga rabo oo u ku dambaabayo hadii uu isaga tago rag iyo dumarba ha ahaadeene.
iskaba daa taase waxa ay leedahay waxa ay ragu leeyihiin wax ay gaar latahay raga kasokow maahane, ama iyagu ay gaar la yihiin dumarka kasokow oo xuquuq ah taasoo munaasib u ah labadaba sida lagu faafaahiyay meelaheeda.
Diinkaygu waxa uu ifarayaa walaalahey in aan jeclaado rag iyo dumarba iyo in aan jeclaado adeeryaal iyo eedayaal abtiyaal iyo habaryaryaal iyo qaraabada oo dhan in aan jeclaado, waxa uu ifarayaa in aan u istaago xuquuqda xaaskayga iyo caruurtayda iyo dariskayga.
Diinkaygu waxa uu ifarayaa in aan waxbarto, waxaana uu igu boorinayaa wax waliba oo kor u qaadaya caqligayga, dabeecadayda iyo fikirkayga.
Waxa kale oo uu ifarayaa xishood, dul qaad, wax bixin, geesinimo. wax waliba booskoodii in aan dhigo, deganaa, adkaysi, amaano, isdhul dhigid, dhoowrsanaan, toosnaan, ballan oofin, wanaag in aan la jeclaado dadka, in aan ku dadaalo halida wax lacuno, in aan u turo masaakiinta, in aan booqdo kuwa xanuusan, ballamada fuliyo, hadal wanaagsan ku hadlo, dadkana aan la hor tago fur furnaan, iyo in aan ku dadaalo ka farxinta dadka intii aan awoodo.
kasoo horjeedka taas islaamku waxa uu iiga digayaa jaahilnimo, waxaana uu iga reebayaa gaalnimo, alle caasin, xumaan galmo xaaraan ah, kibir, xasadnimo, malaha xun, baasaysiga, murugta, beenta, quusashada, gacan adayga, wahsiga, fulaynimada, baaga muudada xanaaq, xad gudub, doqonimo, dadka oo la xumeeyo, hadal aa qiimo lahayn, sirta oo lafaafiyo, khiyaanada balamaha oo laga baxo, waalidka oo lacaasiyo, qaraabada oo lagooyo, oowlaada oo ladayaco, dariska oo ladhibo iyo dhamaan inta uu alle abuuray.
Sidoo kale Islaamku waxa uu iga reebayaa in aan cabo waxyaabaha maanka dooriya, iyo xoolaha oo lagu qimaaro oo lagu ciyaaro, xatooyada, qishka, dhagarta, dadka oo argagax lagu furo, jaasuusnimada iyo ceebaha dadka oo la raacraaco.
Diinkayga islaamku xoolaha ayuu ilaalinayaa, taasna waxa ku jirta faafin la faafiyo nabad galyada iyo amniga, sidaa darteed islaamku waxa uu ku booriyay ilaalinta amaanada, wuuna amaanay dadka amaanada ilaaliya, waxaana uu u ballan qaaday nolol wanaagsan, galida janada aakhiro, waxaana uu islaamku diiday xatooyada, waxaana uu ugu goodiyay ruuxa sidaa sameeya ciqaab aduun iyo aakhiraba.
Diinkaygu waxa uu ilaalinayaa naf waliba, sidaa darteed waxa uu xaaraan ka dhigay nafta in ladilo iyadoo aan mudnayn, iyo in lagu xad gudbo dadka kale nooc waliba oo uu yahay xad gudubku haduu rabo ha ahaado oraahe.
iskaba daa taase islaamku waxa uu diiday in uu qofku ku xad gudbo naftiisa, umanna banaynin in uu caqligiissa ku ciyaaro, ama uu baa'bi'iyo caafimaadkiisa, ama uu dillo naftiisa.
Diinkayga islaamka ayaa ii damaanad qaaday Xoriyadda ku dhisan sharciga:Ruuxa islaamka dhexdiisa waa mid xor u ah fikirkiisa, iiibkiisa, soo gadashadiisa, ganacsigiisa, rarashadiisa, waana mid xor u'ah in uu ku raaxaysto wanaaga nolasha oo ah wax lacuno, ama la cabo, ama la xirto, ama la dhegaysto, waxaana shardi ah inuuna ku dhicin xumaan dhib u keenta isaga ama cid kale, kana tallaabin xayndaabka sharciga.
Diinkaygu waxa uu soodin u yeelayaa xoriyada, mana fasaxayo in uu qofku qof kale ku xadgudbo, iyo in uu qofku sameeyo wixii uu doono oo macaanyaalka la diiday ah taasoo duminaysa xoolihiisa, liibaantiisa iyo ibni'aadanimadiisa.
Hadii aad fiiriso kuwa wax waliba nafsadooda kusii daayay iyaga oo dhahaya xoriyad waaye, oo siiyay nafsada wax waliba oo ay jeceshahay iyadoona wax cilinaa aysan jirin diin iyo caqli toona kuwaas waxa aad arkaysaa in ay ku noolyihiin hoosayn liidnaasho iyo ciriiri midka ugu daran, qaarkood waad arkaysaa iyaga oo isdilaya iyaga oo jecel in ay ka takhalusaan walwal dartii.
Diinkaygu waxa uu ibarayaa aadaabta mida ugu saraysa xaga cuntada, cabida, hurdada, iyo dhaxgalka dadka intaba.
Diinkayga ayaa i baray inaan ka samo fallo marka aan wax iibsanayo ama gaddayo, iyo marka aan raadsanayo xuquuqda,waxa uu ibarayaa iska cafin kuwa aan isku khilaafsanahay diinka, ma dulminayo mana xumaynayo, waxa aan u rajaynayaa in uu hanuunku gaaro iyaga.
Taariikhda muslimiinta waxa ay ka marqaati kacaysaa arinkaas oo ah dhaafida kuwa isku khilaafsan diimaha cafiskaasoo oo aysan aqoonin umad ka horaysay umadaan,Muslimiinta waxa ay la noolaadeen dad ay diimohoodu kala duwantahay, kuwaas oo galay awoodda muslimiinta, muslimiintu waxa ay ahaayeen kuwo dadkaas oo dhan la jira oo ula dhaqma si bani'aadamnimo kujirto sida ugu fiican ee dad iskula dhaqmaan.
iskusoo duuduube islaamku waxa uu ibaray aadaabta mideeda yaryarka ah, iyo habdhaqanka kiisa ugu wanaagsan, iyo akhlaaqda wanaagsan oo ah wax ay naftaydu ay nadiif ku noqonayso noloshaydu oo farxadayduna ay ku dhamaystirmayso,Waxaana uu iga reebay wax waliba oo noloshayda dhibana, oo dhibaya habka bulshanimo, ama nafta, caqliga, xoolaha, iyo sharafka.
Hadba sidii aan u qaato aadaabtaas iyo waanaddaas ayay u waynaanaysaa liibaantaydu,hadba intaan ku gabood falo ama aan ku xad gudbo wax ka mid ah ayay liibaantaydu dhinmaysaa aadaabtaasi.
Taasi lama macno ah: in aan ahay mid aanan qaldamin oo aanan ka gaabin, hasa yeeshee diinkaygu wuu ilaalinayaa dabeecadayda ibni'aadanimo iyo taag daradayda, mar marka qaar waxa iga dhacaya qalad, gabood fal, iyo xad gudub, sidaa darteed alle waxa uu ii furay albaabka soo laabashada iyo dambi dhaaf dalabka, Tawbada xagiisa loo soo laabto waxa ay tirtirtaa gabood falka iga dhacay, waxa ayna sare u qaadaa maqaamka aan alle agtiisa ku leeyahay.
Dhaqamada islaamka dhan oo ah wax qalbiga laga rumaysanyahay, akhlaaq, aadaab iyo ladhaqan waxa ay ku salaysantahay Qur'aanka wanaagsan iyo dhaqankii suubanaha ee nadiifka ahayd.
Ugu dambayn waxa aan si go'an uleeyahay: hadii uu fiiriyo ruux waliba meel waliba oo uu joogo xaqnimada diinkaan islaamka il cadaalad ahna uu ku fiiriyo uma suurta galayso in uu qaato oo uu ku dhego maahane, hasa yeeshee dhibaatadu waxa ay tahay in diinka islaamka laga faafiyay been, ama dhaqamada dadka qaar oo sheeganaya islaamka isla markaana aan u qaadanin sidii uu ahaa.
Hadii uu ruux fiiriyo dhab ahaanta diinkaan sida uu yahay, ama dadkiisa si dhab ah u qaatay xaaladohooda marnaba maka istaagayo in uu aqbalo ama uu soo galo.Waxaana u caddaanaya in uu islaamku yahay mid dadka ugu yeeraya liibaantooda. amni iyo nabad galyo in la ifiyo iyo in lafaafiyo cadaalad iyo sama fal.
Khaladaadka ay sameeyaan dadka sheegta islaamka qaar ka mid ah ha badnaato ama ha yaraatee ma banaano sinnaba in lagu xisaabo diinta, ama lagu ceebeeyo ee waxaas diinku waa ka hufanyahay,wax waliba oo ka yimaada kahaladaadkaas waxa xambaaraya qofka sameeynaya, sababtoo ah islaamku ma farin arintaas, iskaba daaye waa uu reebay waana uu ka canaantay qofkii layimaada.
intaa kadib cadaaladu waxa ay keenaysaa in la fiiriyo kuwa si dhab ah ugu istaagay diinka iyo kuwa fuliya waxyaabaha uu alle faray naftooda iyo dadka kale intaba arinkaasi waxa uu ka buuxinayaa qalbiyadooda waynaan iyo deganaan diinkan iyo dadkiisaba,Islaamku kama tagin wax wayn iyo wax yar oo hanuunin iyo saafi garayn ah ee waa uu ku booriyay, wax xun iyo wax fiicanna kama tagin ee wuu ka digay, jidkeedana waa uu ka leexiyay dadka.
Sidaa darteed ayay noqdeen kuwa diinka wayneeyana, ooga waxyaabaha muuqda ee diinka islaamka kamid ah kuwa ugu liibaanta badan, darajada ugu saraysa ee adabta nafta ah, iyo ku tarbiyaynta nafta dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqda wanaagsan, arintaas waxa marqaati uga ah mid dhow iyo fog, mid raacsan iyo mid khilaafsanba.
Dhinaca kale hadii la fiiriyo kaliya xaaladaha kuwa muslimiinta ah oo ku xadgudba diinkooda, kana leexday wadada toosan cadaalad maaha taasi iskaba daa'e waa dulmigii laftirkiisa.
Ugu dambayn tani waa dhawaaq loo wado ruux waliba oo aan muslim ahayn in uu ku dadaalo garashada diintaan islaamka ah iyo in uu soo galo.
Waxaa laga rabo ruuxa doonaya in uu soo galo islaamka in uu qiro alle xaq lagu caabudo in uu san jirin alle maahane nabi muxamedna uu yahay kii uu alle noo soo diray,iyo in uu ka barto diinkaan islaamka wax uu ku ogaanayo wixii uu alleku waajibiyay,Mar waliba oo uu kordho barashada uu baranayo diinkaan iyo ku dhaqankiisa waxa badanaya liibaantiisa waxaana sara maray darajada uu ku leeyahay alle aktiisa.