×
New!

Bayan Al Islam Encyclopedia Mobile Application

Get it now!

RASUULKA-ISLAAMKU, WAA MUXAMED AMAAN IYO NAXARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA,AHAATEE (Soomaali)

Pregătire:

Description

RASUULKA-ISLAAMKU, WAA MUXAMED AMAAN IYO NAXARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA,AHAATEE

Download Book

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba, Dad iyo Duunyaba) mid gaar ahna ugu naxariista (Mu'miniinta maalinta Aakhiro).

RASUULKA-ISLAAMKU, WAA MUXAMED AMAAN IYO NAXARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA,AHAATEE

Waa qormo kooban oon kaga hadli doono Rasuulka-Sallallaahu Calayhi wasalam, iyo taariikh nololeedkiisii, kuna qaadaa dhigayno: Magiciisa, Abtirsiintiisa, Wadankiisa, Guurkiisii, iyo Risalaadii uu ku baaqayey, sidoo kale qaar kamid ah Calaamadahii muujinayay Nabinimadiisii, Sharci ahaanta Nabinimadiisa, iyo meeshey ka taagnaayeen kuwii ka soo hor jeestay.

Magiciisa, Abtirsiintiisa, iyo magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray

Rasuulka islaamku waa Muxamed ina Cabdillaahi ina Cabdilmudalib ina Haashim, oo ah tafiirtii Nabi ismaaciil ina Ibraahim, 'amaam naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha'ahaatee'Sida ku xusan Taariikhda Nabi ibraahiim naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha'ahaatee ayaa yimiday Makah isagoo kasoo galay dhinaca Shaam (wadamada hada ay kamidyihiin Suuriya, Urdun, filistiin iyo lubnaan) Socodka waxaa ku wehelinayay xaaskiisa Haajara iyo wiilkiisa Ismaaciil, oo dhabku jir ahaa wuxuuna dajiyay Makka isagoo fartoomaya amar kaga yimiday xaga allihii -waynaa oo koreeyay-, halkaas ayuuna uga tagay, Waxa uuna dib ugu soo laabtay Markii uu dhalinyara noqday wiilkiisii Ismaaciil, oo ay wada dhiseen Kacbada (baytul-xaraamka) waxaana hareeraheeda soo dagay dadkii, waxayna noqotay Makka meel loo yimaado Cibaado Eebe, iyo gudashada Xajka, dadkii waxa ay joogteeyeen cibaadadii ayagoo alle u kali yeelaya cibaadada haystana diintii nabi ibraahiim xilliyo badan .Intaa kadib waxaa dhacay in laga leexdo dariiqa toosan, Xaalka Jasiirada carbeedna waxa uu la mid noqday, Xaaladii ay ku sugnaayeen qaaradaha kale ee caalamku, oo ay hadhaysay: Caabuddida Sanamyada, Dulmiga haweenka, Dilka iyo duuggista gabdhaha yaryar, Cabida Khamriga, Cunida xoolaha agoomaha , Qaadashada Ribada, iwm.iyodoo saas xaaladu tahay, ayaa waxaa ladhalay suubanaha Muxamed ina Cabdillaahi ah -naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha'ahaatee, oo kasoo jeeday caruurtii Nabi ismaaciil ina ibraahiim Calayhi salaam, Sanadku markuu ahaa 571 miilaadiga, Aabihiina wuxuu geeriyooday dhalashadiisa kahor, hooyadiina waxa ay geeriyootay isaga oo ah lix jir, Waxaana xanaanadiisa qaaday adeerkii Abuu Daalib kadib markuu dhintay awoowgii cabdilmudhalib, sidaas ayuu ku koray isaga oo ah Agoon, Faqiir, cuni jirayna wixii uu asagu shaqeysto.

GUURKIISII BARAKAYSNAA EE HAWEENAYDA BARAKAYSAN

Markii uu gaadhay Nabigu NNKH 25 jir ayuu guursaday mid kamida mudantii Maka, oo la odhan jiray Khadiija bintu Khuwaylid,- Allaha ka raali noqdee, Waxayna u dhashay Afar hablood iyo labo wiil oo yaraan ku geeriyooday, Hab-dhaqanka uu Nabigu NNKH kula dhaqmayay Ooridiisa iyo Ubadkiisa ayaa ku dhisnaa isjacayl iyo ixtiraam, sidaa darteed ayay jeclaatay Khadiija jacayl wayn, Nabiguna NNKH asaguna wuu jeclaaday, jacayl aanan ka sal guurin xataa dhimashadeedii kadib sanado badan. Waxaana dhici jirtay in uu qalo/gawraco neef xoolo ah, dabadeedna ukala diro qaybo kamida hilibkii Khadiija saaxiibadeed, isagoo ku karaamaynaya xaaskiisii ilaalinayana gal gacal tooyadii ka dhaxeeysay.

BILOWGII WAXYIGA

Rasuulku Maxamed Sallallaahu calayhi wasalam, waxa uu ahaa mid leh Akhlaaq wayn, laga soo bilaabo abuurkiisii, Tolkiina waxa ay ugu yeedhi jireen Runlowgii Amaanada badnaa, Wuxuuna kala qayb gali jiray Qorshayaalkooda waa wayn, waanu necbaa wax waliba oo xun sida shirkiga beenta iwm oo kama qayb qaadan jirin.

Markii uu gaadhay Afartan jir, isaga oo jooga Maka, ayuu illaahay u doortay in uu noqdo Ergo/Rasuul, Waxaana u yimiday Malagii Jibriil Calayhi Salaam, oo wada bilowga Suuradii ugu horaysay ee Qur'aanka soo dagta, Waana hadalka/qawlka Eebe- Koreeyee-:(اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ (1) Akhri, Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray wax waliba (khaliqiga). (1)خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ (2) Dadkana ka abuuray Calaq (Xinjir). (2).اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ (3) Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.(3).الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (4) Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.(4).عَلَّمَ الْإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (5)) Dadkana baray waxayna aqoonin.(5).Suurada Alcalaq 1-5Waxa uu u yimiday xaasjkiisi Khadiija -Allaha ka raali noqdee- ugana waramay wixii helay, iyaduna waa ay dajisay dareenkiisii, markaas ayay u gaysay ina-adeerkeed oo la odhan jiray Waraqah ina Nawfal, oo wax ka yaqaanay kutubtii hore ee Tawraad iyo Injiil, waxa ay ku tidhi Khadiija: ina adeer bal dhagayso wiilka walaalkaa, markaas ayuu Waraqaha ku yidhi: maxaad aragtay? Nabiguna NNKH waxa uu uga waramay wixii uu arkay, Waraqa ayaa ugu jawaabay:Kaasi waa midkii kusoo dagay Nabi Muuse oo kale, ee maan noqdo mid xoogle oo nool maalinka ay kusaari doonaan tolkaa, Rasuulka NNKH ayaa ku yidhi: Miyay isaarayaan?!, haa ayuu ugu jawaabay Waraqah, waxa uuna u raaciyay: majiro ruux layimiday wali waxa aad latimiday oo kale haduuba jiro waa lala coleeytamaa, hadiise aan gaadho maalintaas waan ku garab joogsan si wayn.

Intii uu joogay Makka waxyiguna wuu soo dagayay, waxaana u keeni jiray Jibriil calayhi salaam oo ka fariin sida Rabiga Caalamiinta, sidii uu Risaaladaba ugu keenayay.

Nabiguna NNKH, tolkii ayuu ugu baaqayay islaanimada, iyagu way faqooqeen, oo la doodayeen, waxa ayna usoo bandhigeen Maal iyo Madaxnimaba, si uu uga tanaasulo Risaalada, wuuse ka diiday, markaas ayay ku dhaliileen sidii rusushii ka horaysayba in uu yahay Saaxir, Beenaale, Been abuure, Cidhiidhi bay galiyeen, ilaa ay u gaystaan jidh-dil, kuwii raacsanaana dhibaateeyeen.Rasuulku -Sallallaahu Callayhi wasallam, wuxuu joogay makka wuuna sii waday faafinta Dacwada islaamka, waxa uu aadi jiray: Meelaha ay dadku iskugu yimaadaan, ee Suuqyada, Mashaacirta Xajka, kumana dirqin jirin qaadashad diinta ee waxa uu ugu baaqayay si nabad ah, oon xoog ku jirin, waxa uu ku xujayn jiray in ay la yimaadaan: Quraankan mid la mid ah, laakiin may awoodin taas, waxaana rumeeyay dacwadiisii qayb kamid ah mujtamicii, kuwaas oo Noqoday akhayaartii ugu horeeysay ee Saxaabada sharafta leh - Allaha ka raali noqdee-.Karaamooyinkii waa waynaa uu ilaahay -koreeye- ku karaameeyay Nabiga -Sallallaahu Calayhi Wasallam- waxaa ka mid ahaa: Safarkii iyo dheelmintii Israa Wal micraaj, laga bilaabo Makka ilaa Baytul-maqdis, oo halkaas uu ka koray Samada, Sida sugana waxa uu Ilaahay -koreeye- xaga samada u koryeelay: Nabi Ilyaas iyo Ciise -Calayhimu Salaam-.Markaasuu Nabiguna -sallallaahu calayhi wasallam- ka helay xaga Allaah amarka Salaada, Salaadaas oo ah mid maanta ay tukadaan dadka Muslimka ah shan jeer habeen iyo maalin, waxa kale oo dhacday mucjisadii uu ku kala dhambalmay/go'ay Dayuxu, ee la tusay gaaladii Quraysh.

Waxayna u adeegsadeen Kufaartii Quraysh dariiqad waliba oo ay ku hor joogsan lahaayeen Nabiga NNKH, iyagoo ku dhagraya, dadkana ka cayrinaya, xujooyinna hordhigaya, waliba Yahuud ayay ka raadsan jireen in ay u sheegaan xujooyin ay kula doodaan, dadkana ugaga eryaan.

Markii ay Quraysh sii wadeen dhibaatadii ay ku hayeen Mu'miniinta, ayuu Nabigu Sallallaahu Calayhi Wasallam u ogolaaday in ay u hijroodaan dhulkii Xabasha, waxa uuna ku yidhi: dhulkaas waxaa jooga Boqor Caadill ah, agtiisana cid laguma dulmiyo waxa uu ahaa boqor kirishtaan ah, waxaana u hijrooday halkaas laba kooxood, markii ay gaadheen Muhaajiriintii arladii Xabasha waxa ay u bandhigeen boqorkii Najaashi Diintii Islaamka ee uu la yimiday Nabi Muxammed-Sallallaahu Calayhi wasallam-, markaas ayuu yidhi Boqorkii: Wallaahi warkani iyo warkii uu la yimiday Nabi muuse -Calayhi Salaam- meel kaliya ayay kasoo wada dhinbil qaateen.

INTII uu ku gudo jiray dacwadiisa, dadkii rumeeyay waxaa kamid ahaa wafdi Reer Madiina ah oo yimiday Makka, waxayna kula balameen islaamnimo, iyo in ay u hiilinayaan hadii uu yimaado magaaladooda Madiina, oo wakhtigaas la odhan jiray Yasrib, markaasuu Nabigu -sallallaahu calayhi wasalam- u ogolaaday intii mu'miniinta ee ku hadhay Makka in ay u hijroodaan Madiina, wayna u hijroodeen, guri walbana wuu galay islaamkii.

Kadib markii uu Nabiguna -sallallaahu calayhi wasallam- ku nagaaday Makka 13 sano oo uu dacwada ku baaqyay, ayuu Illaahay -koreeye- u ogolaaday in uu u hijroodo Madiina, halkaas ayuuna dacwadiisii kasii waday, waxyiguna uu ugu soo dagayay si is daba jooga, markaas ayuu bilaabay in uu u kala diro wafdiyo xambaarsan fariinta dacwada Horjoogayaashii qabiilooyinka, iyo Boqoradii, waxaa ka mid ahaa boqoradaas, Boqorkii Roomaanka, iyo Boqorkii Furus (beershiyiinta), iyo Boqorkii Masar.

Waxaa ka dhacday Magaalada Madiina dhacdadii Qorox madoobaadka, markaas ayay dadkii argagaxeen, maalintaas oo ahayd mid ku beegan dhimashadii ibraahiim wiilkii Nabiga Sallallaahu Calayhi Wasallam, markaas ayay dadkii dhaheen: Qoraxdu waxa ay la madoobaatay dhimashada wiilka Ibraahim, Markaas ayuu Nabigu Sallallaahu Calayhi Wasallam yidhi:(Qoraxda iyo Dayuxu uma madoobaadaan, dhimashada ruux ama noloshiisaba, hase yeeshee, waa calaamad kamid ah Aayadaha Ilaahay ku cabsi galiyo adoomihiisa) (3).hadii uu Nabigu-Sallallaahu Calayhi wasallam- yahay beenaale, waxaa la arki lahaa isagoo dadka ku cabsi galinaya qorax -madoobaadkaas, oo leh: wiilkayga dartii ayay u madoobaatay.

RASUULKA ILAAHAY AYAA KU QURXIYAY AKHLAAQ WANAAGSAN OO DHAMAYSTIRAN WAXA UUNA ALLE KU SIFEEYAY:(وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ) Waxaad kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.Suurada Alqalam:4Tilmaan walba oo wanaagsan wuu lahaa, sida: Runsheegnimo, Geesinimo, Cadaalad, Balan oofin, Deeqsinimo, ismana waynayn jirin, ee hoos ayuu isku dhigi jiray mar walba, waxa uuna jeclaa: in la caawiyo dadka Saboolka ah, haweenka la furay ee baahan, waxa uuna jeclaa mar walba in ay diinta kusoo hanuunaan, waxaa dhici jirtay in uu ruux magaalada ku Qariib ah (cusub) uu u yimaado isaga oo dhex jooga Asxaabtiisa, markaasuuna ka garan jirin, oo uu waydiin jiray: intiina keebaa ah Muxamed?

Heerka sareeya ee uu lahaa Taariikh Nololeedkiisa waxaa tusaale inoogu filan, sida uu ula dhaqmayay ruux walba, Cadaw iyo Sadiiqba, mid dhaw iyo mid fogba, mid wayn iyo mid yarba, xataa xayawaanka, mid walbana waxa uu siinayay ixtiraamka uu leeyahay.

Markii uu Ilaahay -koreeye- u dhamaystiray diintii, Nabiguna- sallallaahu calayhi wasallam- u gaadhsiiyay umada sidii ugu mudnayd, ayuu Ilaahay -koreeye- xagiisa u oofsaday, da'diisuna waxa ay ahayd markaas 63 jir, afartan sano oo ka horaysay Nabinimada, iyo sadex iyo labaatan uu ahaa Nabi iyo Rasuul.Madiina ayaa lagu aasay, kamana tagin wax dhaxal mood iyo nool ah toona, marka laga reebo Baqashii uu gaadiid ahaan u isticmaali jiray, iyo dhul banaan oo uu ku waqfay dadka Safarka ah.

Tiro aan yarayn oo dad ahna waa ay rumeeyeen, waxa la xajiyay sanadkii Xajatul Wadaac, in ka badan boqol kun oo ruux, sadex bilood kahor intii aan la oofsan ayuuna ahaa, sidaas ayayna diintu ku noqotay mid sii faafta. Asxaabtiisii uu ku barbaariyay mabaadida islaamkuna waxa ay noqdeen kuwa ugu khayrka badan, oo ku tilmaaman, sida Cadaalad, Xalaalmiirasho, Aakhiro jacayl, Gacan furnaan, iyo sifo walba oo wanaagsan.

Asxaabtiisana - Allaha ka raali noqdo- dhamaantoode, qofka ugu mudnaa dhanka: iimaanka, aqoonta, ikhlaaska, naf-hurida, geesinimada, deeqsinimada, waxa uu ahaa: Abuubakar Sadiiq, Cumar bin Khadaab, Cusmaan binu Cafaan, Cali binu Abii daalib, intooduna waxa ay ka mid ahaayeen dadkii hore usoo islaamay, ee rumeeyay Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- iyaga ayaana noqday khulafadii uga dambaysay hogaanka, ee xambaaray diinta, mana jirin wax ay gaar u lahaayeen oo ah sifooyin nabinimo, ee waxay taas kala mid ahaayeen saxaabada kale.

Ilaahayna -koreeye- waa uu xifdiyay kitaabkiisa iyo sunadii Nabigaba, haday tahay odhaah iyo ficilba, mana jirto taariikh nololeed ruux kale oo sidaas loo xifdiyay, waxaana dhacday in xataa lasoo guuriyay siduu u seexan jiray, ama wax u cuni jiray, u cabi jiray, u qosli jiray.iyo sidii uu ula dhaqmi jirayba Ehelkiisa, marka uu joogo guriga dhexdiisa.Taariikhdiisa oo dhanna waa la'ilaaliyay, taasina ma'aha mid ka saaraysa bili'aadamnimada suubanuhu ilaahay-koreeye- lama wadaago wax sifooyinkiisa ah mana u keeni karo naftiisa dhib iyo dheefba.

RISAALADIISII/FARIINTIISII

Waxa la soo diray nabi Muxammed -sallallaahu calayhi wasallam- xilli ay hadhaysay dunidda gaalnimo, jaahilnimo, iyo shirki, mana jirin cid samaysa cibaado u badhax la' Ilaahay -koreeye-, marka laga reebo inyar oo haysatay kutubtii nabi Muuse iyo Ciise, Markaas ayaa lasoo diray nabi Muxamed -ٍsallallaahu calayhi wasallam- si uu dadka ugu hanuuniyo diinta xaqa ah, umadana uga saaro gaalnimadii iyo mugdigii ay ku jireen, una kaxeeyo dhanka Nuurka iyo Tawxiidka, Risaaladiisuna sidaas ayay ku noqotay midii soo afmeeraysay risaalooyinkii nabiyadii ka horeeyay - calayhi salaatu wasallam-

Waxa uu dadka ugu yeedhayay nabi Muxammed -sallallaahu calayhi wasallam- dacwadii ay ku yeedheen Nabiyadii ka horeeyay ee Nuux, Ibraahim, Muuse, Sulaymaan, Daa'uud, Ciisaa, oo ah in la rumeeyo Allaah in uu yahay ilaahay -koreeye: Abuuraha, quudiyaha, dillaha, nooleeyaha, Maaliga Mulkiga, waana Allaha qorsheeya umuurta, waa u tudhaha, naxariista badan, waa Allaha abuuray wax walba oo jira konka/caalamka, inta inoo muuqata iyo inta aan inoo muuqanba, wixii isaga kasoo hadhayna waa Abuur xagiisa ka yimiday.

sidoo kale waxa uu ku baaqay In Allaah kaligii loo cibaadaysto, lagana fogaado wixii kasoo hadhay, waxa uu si wayn u cadeeyay: In Allaah kaligii yahay, cid la wadaagana aysan jirin, Cibaadadiisa, Mulkigiisa, iyo Abuuristiisa, Ilaahay waxba ma dhalin, isagana lama dhalin, cid u dhigantana ma jirto, khalgisiisana ma shabaho.

waxa uu ku baaqay in la rumeeyo kutubtii xaga Ilaahay laga soo dajiyay, sida: Suxuftii ibraahiim iyo Muuse, Naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaato labadoodaba-, sidoo kale Nabigu- sallallahu calayhi wasallam waxa uu ku baaqay in la rumeeyo Rususha dhamaantood, ruuxa mid kaliya rumayn waayana in uu ku gaaloobay Nabiyada dhamaantood.

Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- waxa uu dadka ugu bishaareeyay Raxmada Ilaahay -koreeye-, iyo in Ilaahay ku filan yahay, Maalinka qiyaamane uu kaligii u istaagi doono xisaabinta khalqigiisa dhamaan, intooda Mu'miniinta ahaydna ku abaal marin doono wanaagoodii oo toban laaban, iyo xumaantoodii oo kali ah, aakhirana ay ku leeyihiin Barwaaqo joogto ah, intiise gaalowday ee camal xun fashay ay heli doonaan abaal marintoodii aduun iyo aakhiraba.

Nabi -Muxamed- Sallallaahu calayhi wasallam- marnaba dacwadiisa kuma dhex buunbuunin qabiilkiisa iyo wadankiisa iyo naftiisaba, Quraanka kariimkana inta lagu sheegay magacyada Nabiyada kale ayaa ka badan inta magiciisa lagu xusay, sidoo kale laguma xusin magaca hooyadii ama haweenkiisii, halka lagaga xusay Nabi muuse hooyadii hal mar ka badan, sidoo kale lagu sheegay Magaca Maryan shan iyo sodon goor.

Nabi Muxamed-Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu Macsuum ka yahay oo laga dhooray wax walba oo ka hor imanaya Sharciga, Caqliga, iyo fitrada toosan, sidaas oo kale Nabiyadu dhamaantoodba waa macsuumiin, waxaana saaran kaliya in ay gaadhsiiyaan adoomaha Ilaahay wixii loo waxyooday uun, kumana laha wax faro galin ah Tawxiidka ilaahay -koreeye- oo ku saabsan dhanka ilaahnimadiisa iyo Rabinimadiisa, iyaguna waa Bashar loo waxyooday Risaalo uun.

Markhaatiga ugu wayn ee ku tusinaya in Fariinta Nabi Muxamed- Sallallaahu calayhi wasallam- tahay waxyi, waa sida ay u waartay ilaa maanta, oo ah sidii uu kaga tagay markii uu noolaa, isla mar ahaantaana ay raacsan yihiin in ka badan hal bilyan oo muslim ah, una gudanayaan cibaadaadka salaada, soonka, sakada, xajka, iyo inta kaleba iyadoon wax is badal ah ku iman.

AAYAADKA KU TUSINAYA NABINIMADDIISA, CALAAMADAHEEDDA IYO DALIILADEEDA

Ilaahay-koreeye- wuxuu ku xoojiyaa Nabiyadiisa aayado, iyo calaamado ku tusinaya nabinimadooda, hadii ay tahay Xujooyin iyo markhaatiba, Nabi kastana waxaa la siiyay aayado lagu rumaysto nabinimadiisa, Mida ugu wayn aayaadkaas ee la siiyo Nabina waa mida la siiyay Nabi Muxamed -Sallallaahu calayhi wasallam- oo ah Quraanka Kariimka, kaasi oo baaqi ahaanaya ilaa qiyaamaha laga gaadhayo, sidoo kale nabiga waxaa la siiyay mucjisooyin lagu cadaynayo nabinimadiisa, waxaana kamida:

Dheelmintii iyo Guurayntii (israa/micraaj), Dayixii dhambalmay, Roobkii soo da'ay marar kala duwan, markii uu u sameeyay roob doonta dadka abaarsaday.

Cunto iyo biyo yar, oo ay u adeegsadeen cunisteeda iyo cabidoodaba dad tiro badan.

In uu ka waramay qisooyinkii dadkii tagay, sida Nabiyadii hore iyo wixii kala dhex maray iyaga iyo qoomamkoodii, iyo qisada kooxdii Godka,

In uu kasii waramay waxyaabaha dhici doona, kuwaas oo la arkay dabadii in ay dhaceen, sida naartii kasoo baxday dhulka Xijaas oo ay arkeen Reer Shaam, dadka oo ku tartami doona dhismaha dhaadheer.

In uu Ilaahay -koreeye- ku filan yahay dadkana ka ilaalinaya.

Balan qaadyadiisii uu u sameeyay asxaabtiisa oo la arkay, sida hadalkiisii ahaa:(waad furanaysaan Faaris iyo Ruum, Khasnadahoodana ilaahay dartii baad u bixin doontaan)

Malaa'igtii garabsiisay (dagaalkii Badar).

Bishaaradii ay u sameeyeen Nabiyadii ka horeeyay qoomamkooda, in uu imanayo Nabi ka dambeeya, Nabiyadaa bishaarada sii sheegayna waxaa kamid ahaa Nabi muuse, Daa'uud, Sulaymaan, Ciise, iyo kuwo kaleba u sii sheegeen soo bixida Nabiga.

ADILADA XAGA CAQLIGA AMA MATALAADAHA KU YIMIDAY QURAANKA

Aayadahaas, daliiladaas, iyo tusaalooyinka caqliga ee ku soo wada arooray quraanka kariimka, iyo sunada Nabiga, kuwaas oon la koobi karin tiro ahaan, cidii u baahata war suganna dib ha ugu noqoto Quraanka kariimka iyo Sunada Nabiga. waxaa ku sugan warkii oo sugan.

Hadii aysan dhicin Aayaadahaas waa wayni, waxaa la arki lahaa gaalada Qurayshta, Yahuudii, Nasaaradii, wakhtigaas ku noolaa Jasiirada carabta oo u hela fursad ay ku beeniyaan dadkana uga digaan.

Quraanka Kariimkuna waa kitaabkii uu Allaah -koreeye- u waxyooday Rasuulkiisa Muxamed -Sallallaahu calayhi wasallam, waana hadalkii Ilaahay, laguna xujeeyay Insiga iyo Jinkaba in ay la yimaadaan mid lamid ah, mase awoodin, lamana awoodi karo. Qur'aanka Kariimka waxa ku sugan jawaabaha su'aalo badan oo muhiima, Qur'aankaasi waa mid la xifdiyay ilaa maanta isagoo ku qoran luqada carabiga ee lagu soo dajiyay, waxba kama dhimin waxna laguma darin, waana kitaabka ugu wayn ee dunida korkeeda yaala, in la akhriyo mudan, macnihiisa la fahmo, ruuxii uu seego oo rumayn waayo waxaa seegay khayr dhamaantii.Sidoo kale Sunnada Rasuulka Muxamed -sallallaahu calayhi wasallam- hanuunkiisa, iyo siiradiisuba waa mid la xifdiyay, laguna soo guuriyay silsilad xidhiidhsan oo lagu kalsoon yahay kuna qoran luqada carabiga ee Rasuulka Maxamed -sallallaahu calayhi wasallam- ku hadli jiray, waxaanad moodaysaa in uu hada inala nool yahay, sidoo kale luqado badan ayaa lagu turjumay, Sidaa darteed Qur'aanka kariimka iyo Sunada Rasuulku -sallallaahu calayhi wasallam- waa Marjiga iyo gundhiga Axkaamta Isalaamka iyo sharicigaba.

SHARIICADA UU LA YIMIDDAY RASUULKA MUXAMED -SALLALLAAHU CALAYHI WASALLAM-

Shariicada uu la yimiday Rasuulka Maxamed -sallallaahu calayhi wasallam- waa shareecada islaamka, waana mida lagu khatimay shareecooyinkii hore oo dhan, kuwaas oo gundhigoodu isku mid yahay, haba is khilaafsanaadaan laamahooda iyo qaabkooduye.

Waa Shariicad dhamaystiran, oo u suuban Goorwalba iyo Goobkasta, oo ay ku jirto wanaaga dadka diintooda iyo duunyadoodaba, waxa ku dhan dhamaan cibaadooyinka waajibka ku ah adoomaha, sida: Salaada, Sakada, Soonka, sidoo kale waxa ay cadaysay sida dadku u wada dhaqmaan, waxna isku dhaafsadaan, haday tahay dhanka ganacsiga, arimaha qoyska, arimaha siyaasada iyo dagaalka, oo ay cadaysay intiisa suuban iyo inta aan suubanaynba, halkaas oo ay ku cadahay in ay ka hadashay dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha Aadamaha.

Shareecadan islaamku waxa ay ilaalisay dadka diintooda, dhiigooda, cirdigooda, maalkooda, iyo caqligoodaba, waxa ayna koobsatay sharaf iyo wanaag dhamaantiiba, wayna ka digtay wax walba oo khasaare iyo shar ah, waxa ay ku yaboohday karaamaynta aadamaha, dhexdhixaadnimada, cadaalada, nadaafada, suubanaanta, galgacaylka, dadka oo lala jeclaado khayrka, lana amaan siiyo, aan la argagax galin, wixii cabsi galinayana laga fogeeyo, Rasuulka Maxamedna -sallallaahu calayhi wasallam- waxa uu la dagaalamay kibirka iyo fasahaadka nooc walba oo uu yahay, sidoo kale khuraafaadka suufinimada ku dhisan baadilka.

Rasuulka Maxamed -sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu cadeeyay in Allaah uu karaameeyay aadamaha rag iyo haweenba, xuquuqdoodana uu kafaalo qaaday, isla markaana uu siiyay karti iyo caqli ay mas'uul kaga noqdaan naftooda iyo wixii ay falayso, ama naftiisa haku dhibaateeyo ama cid kalebee, sidoo kale waxa uu si isku mid ah ugu tusmeeyay raga iyo haweenkaba rumaynta Allaah, iyo mas'uuliyada ka dhalanaysa haday noqoto abaal marin ama ciqaaba. Wuxuuna siiyay daryeel gaar ah haweenayda, hooyanimadeeda, oorinimadeeda, gabarnimadeeda, iyo walaalnimadeedaba.

Shareecada uu la yimiday Rasuulka Maxamed ah - sallallaahu calayhi wasallam- waa mid ilaalisay Caqliga, waxayna xaaraan ka dhigtay wax walba oo halaynaya caqligaas, sida cabida khamriga, sidaa darteed ayaa diinka islaamka loogu tilmaamay in uu yahay iftiin caqliga u ifinaya dariiqiisa, si uu ruuxu u caabudo illaahay - koreeye- isaga oo aqoonsan, oo kasaya, waxayna shareecadu kor u qaaday martabada caqligu leeyahay, iyadoo ka xoraysay khuraafaad dhamaantii, mana saarin wax mas'uuliyad iyo waajib ah ruuxa aan lahayn caqli ku filan, sida ilmaha yar iyo midka waalanba.

Shareecada Islaamku waxay darajo wayn u yeeshay Aqoonta, oo ay boorisay cilmi baadhista quman, iyo ufiirsashada Nafta iyo Koonkaba, waxa kale oo ay cadaysay in Natiijada kasoo baxda aqoonta saxda ayna ka hor imaanayn hanuunkii uu la yimiday Rasuulku - sallallaahu calayhi wasallam-.

Shareecada kuma jirto in ay aadamaha u kala saarto si cunsurinimo ku dhisan, shacabna kama fadli badna shacab kale, waana loo siman yahay ku dhaqanka axkaamta, waxa lagu kala fadli badan yahay kaliya waa cabsida Ilaahay -koreeye-, Rasuulkuna sallallaahu calayhi wasallam- waxa uu sheegay: in ruux walba ku dhasho fidrada toosan, aadamuhuna soo dhalan isaga oo dambi lahayn, ama cid kale kasoo dhaxlay dambiga.

Shareecada islaamka waxa ay jidaysay Tawbad keen, oo lagu qeexo: Aadamaha oo u soo laabta xaga Rabiga abuuray, kaa oo noqda dambi la'aan, islaamkuna waxa uu u balan qaaday ruuxa la yimaada toobad keen dhab ah in uu ka tirtirayo wixii ka horeeyay, sida islaamkuba u duminayo wixii ka horeeyay ee gaalnimo ah, sidaa awgeed ma'aha shardi in qofku yidhaahdo dadka hortooda waan toobad keenay, ee waa mid u dhaxaysa isaga iyo ilaahii abuuray oo kaliya, sidoo kale uma baahna in uu usii maro ilaahay ruux kale, Diinta islaamkuna way xaaraantinimaysay in ilaahay wax kale lala wadaajiyo baryadiisa iyo cibaadadiisaba.

Shareecada uu la yimiday Rasuulka Maxamed -sallallaahu calayhi wasallam- waa mid nasakhday oo lagu badalay shareecooyinkii ka horeeyay, Waana shareecad ka timid ilaahay -koreeye- agtiisa midii u dambaysay, ilaa laga gaadhayo maalinka qiyaame. Shareecad walbana oo timaadana waxa ay badal ka noqonaysay midii ka horeeyay, midan islaamkuna waa tii u dambaysay ee uu la yimiday Maxamed -sallallaahu calayhi wasallam-, laguna soo gabagabeeyay shareecadihii ka horeeyay, ilaahayna -koreeye- cidna kama aqbalayo in uu qaato mid kale. Ruuxii raba in uu barto Axkaamteedana waa in uu dib ugu laabtaa kutubta ay leedahay ee lagu kalsoon yahay.

Ujeedada ugu wayn ee shareecada islaamku, waa mid la mida ujeedooyinkii ay ku baaqi jireen shareecadihii ka horeeyay ee xaga ilaahay kasoo dagayay, taasi oo ah: inuu ruuxu ilaahay -koreeye- u noqdo adoon, cibaadadiisa u gaar yeela, cid kalena aan la wadaajin cibaadadaas, kana xoroobo wax walba oo intaas kasoo hadha.

Waxaa hubaal ah in shareecada islaamku tahay mid ku haboon goob walba iyo goor kasta,, kamana hor imanayso maslaxooyinka aadamaha, maxaa yeelay, waxaa soo dajiyay Eebaha og wax walba oo aadmaha dani ugu jirto, baahida dadku qabaana waa in ay helaan shareecad sax ah, oo cidna cid uga hiilin, dadkana ku hanuuniisa jidka toosan, si cadaalad ku jirtana ugu kala xaq soorta, marka khilaaf soo kala dhex galo.

MAWQIFKA AY TAAGNAAYEEN KUWII KASOO HORJEEDAY, IYO SIDA AY UGU MARAG KACAYEEN

Waxaa dhici jirtay in Nabi waliba lahaa dad kasoo hor jeeda, oo dariiqiisa iyo dacwadiisa hor istaaga, dadkana u diida in la raaco oo la rumeeyo, Nabi Maxamedna waxaa ka hor yimiday dad badan intii uu noolaa iyo dhimashadiisa kadiba, hase ahaatee Allaah -koreeyo- wuu uga hiiliyay, isagoo cadeeyay in uu yahay Nabi xagiisa ka socda, oo la yimid wixii ay la yimaadeen nabiyadii ka horeeyay -naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaato dhamaantoode- midaasna way aqoonsadeen kuwii kasoo horjeeday nabiga-sallallaahu calayhi wasallam, waxaase u diiday in ay raacaan ama rumeeyaan sababo dhawr ah:jeceelka kursiga madaxnimo, cabsi ay kaqabaan dadka, xoolaha ay ku heli jireen kursiga si aan sharci ahayn.

Mahadoo dhan waxaa iska leh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.

waxaa qoray diktoor muxamed bini cabdilaahi Alsuxaym

Waa Bare (hore) oo Cilmiga Caqiidada ka dhigi jiray Qaybta Daraasaadka Islaamka.

Kulliyada Tarbiyadda ee Jaamacada Boqor Sucuud.

Riyaad Boqortooyada Sucuudi Carabiya

RASUULKA-ISLAAMKU, WAA MUXAMED AMAAN IYO NAXARIIS IYO NABADGALYO KORKIISA HA,AHAATEE

Magiciisa, Abtirsiintiisa, iyo magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray

GUURKIISII BARAKAYSNAA EE HAWEENAYDA BARAKAYSAN

BILOWGII WAXYIGA

RISAALADIISII/FARIINTIISII

AAYAADKA KU TUSINAYA NABINIMADDIISA, CALAAMADAHEEDDA IYO DALIILADEEDA

SHARIICADA UU LA YIMIDDAY RASUULKA MUXAMED -SALLALLAAHU CALAYHI WASALLAM-

MAWQIFKA AY TAAGNAAYEEN KUWII KASOO HORJEEDAY, IYO SIDA AY UGU MARAG KACAYEEN

معلومات المادة باللغة العربية